|
Itoobiya oo Ciidamo Xoog leh Soogelesey Gudha Soomaliya |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Wednesday, 23 April 2008 |
|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Ciidamo fara badan oo Milateriga Dalka Itoobiya ah ayaa soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasoo umuuqda Ciidamo Xoojin ah.
Sida la sheegay Ciidamadan ayaa waxaa ay ka yimaadeen dhinaca Xadka Gobolka Bakool la wadaago Itoobiya, iyagoo soo maray Magaalada Baydhabo kadibna u soo gudbay Magaalada Muqdisho.
Qeybtii koowaad ee Ciidamadan oo saaka waaberigii soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxay xalay saqdii dhexe ka soo gudbeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxayna si toos ah u tageen xaruntii hore ee Wasaaradii Gaashandhigga Soomaaliya halkaas oo fariisan u ah Ciidamada Dalka Itoobiya ee jooga Gobolka Banaadir.
Imaanshaha Ciidamadan ayaa waxay ku soo aaday xilli Magaalada Muqdisho dagaalo kulul ay ku dhex marayaan xoogaga wax iska caabinta Soomaalida iyo Ciidamada Itoobiya.
Dagaaladii Labadii Maalmood ee lasoo dhaafey ka dhacayey dhinaca Waqooyi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababeen dhimashada in ka badan 100 ruux oo qaarkood la gawracay iyo dhaawac ka badan 150 Ruux.
Lama oga waxa ay soo kordhin karaan Ciidamadan cusub ee yimid Magaalada Maadama kuwii hore ku fashilmeen ujeedada ay u yimaadeen Soomaaliya oo ahwyd in ay Dalka gacanta u geliyaan Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Cabdullaahi Yuusuf.
|